Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 29 2008
Daahir Aweys oo Sheegey Inuusan Wadahadal la Galayn Xubnaha Isbahaysiga Jabuuti
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 29 July 2008

aweysAsnmara,(insidesomalia.org)- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo garabka Asmara ee Isbahaysiga Dib u xoraynta ay u doorteen Guddoomiye ayaa shaaca ka qaday inuusan wax Heshiis ah la galayn Xubnaha Isbahaysiga dib u xoraynta ee fadhigoodu yahay Dalka Djibouti .

 

Wareysi ay wakaaladda Wararka Reuters ay la yeelatay Sheekh Xasan Daahir Aweys ayuu  ku sheegay inaysan Kooxdiisa marnaba Kooxda Isbhaysiga ee joogta dalka  Jabuuti la hadli doonin, oo aysan wax heshiis ah la galayn..

 

"Dib u heshiisiinta waxay noqon doontaa mid wanaagsan, laakiin anaga iyo Kooxda Jabuuti waxaan isla gaarnay meel sare oo aan la isugu tagi karin” ayuu yiri Shekeh Xasan Daahir Aweys oo gaashaanka ku dhuftay inuu  marnaba xubnaha Isbahaysiga ee Jabuuti jooga dib ula midoobayn. .

 

Hadalka Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxa uu ku soo beegmay labo  maalmood kadib, markii ay xubnaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga ARS shirweyne Wada-tashi ah ku soo gebagebeeyeen magaalladda Jabuuti, ku taageereen Heshiiskii Nabadda ee ay Ra’isul-wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” iyo Guddoomiyaha Isbahaysiga ARS, Sheekh Shariif Shariif Axmed wada gaareen bishii June ee la soo dhaafay 9-dii.

 

Heshiiskaasi waxaa ka soo horjeestay Sheekh Xasan Daahor Aweys iyo Saraakiil ka tirsan Isbahaysiga ARS iyo Kooxaha Mukhaawamadda ee ka soo horjeeda Dowladda ee ku sugan gudaha Dalka  Soomaaliya.

 

Sheikh Xasan Dahir Aweys ayaa shaaciyay Toobaadkii hore inuu xilka gudoomiyenimada kala wareegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay inay isaga iyo Shariif Xasan ku dhaqaaqeen sharci daro ka dhan ah Isbahaysiga.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >